DOORKA SIYAASAD-DAJIYAYAASHA EE ANSIXINTA
SIYAASADDA GUDNIINKA HABLAHA EE SOMALILAND.
Siyaasad-dejiyeyaasha Somaliland iyo
dhiggooda Afrika iyo dalalka jaarka la
ah waxay door weyn ku leeyihiin dejinta
iyo hirgelinta xeerarka caalamiga ah iyo
hab-maamuuska u dooda xuquuqda
haweenka iyo carruurta adduunka.
Gudniinka hablaha kaliya ma joojin
karaan sharciyo lagu qoray warqad balse waxaa jira habab kale oo wax ku ool ah oo ay tahay in la isticmaalo
si loo gaadho cidhibtirka Gudniinka Hablaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin in haweenka lagu dhiirigeliyo
dhanka horumarka sida, waxbarashadda, dhaqaallaha iyo habab cusub oo lagu beddelo gudniinka hablaha.
Maadaama waxbarashaddu qaabayso hab-nololeedka bulsho waa in kor loo qaado ogaalka iyo wacyiga
bulshadda ee saameynta dhibaato iyo waxyeelo ee uu u leeyahay gudniinku hablaha, haweenka iyo
bulshaddaba.
