Sida ay tilmaantay WHO (2023), Gudniinka Hablaha (FGM) wuxuu ku lug leeyahay jarista ama
saarista xubnaha taranka ee haweenka, iyada oo aan loo samaynahayn sabab caafimaad balse loo
samaynayo sababo dhaqan iyo bulsho. Gudniinka Hablaha waxaa loo qaybiyey afar nooc.
Noocyada I iyo II ayaa ka dhigan ku dhawaad 80% kiisaska caalamka, halka Nooca III (xidhxidhista xubinta taranka) uu yahay 15%, halka Nooca IV uu ka yahay 5% ga soo hadhay.
Gudniinka Hablaha waa dhaqan waxyeello leh oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, wuxuuna
dhaawac joogto ah ku yeeshaa caafimaadka haweenka la guday. Caalamka oo dhan, in ka badan
200 milyan oo haween iyo gabdho ah ayaa la guday, halka 68 milyan ay khatar ugu jiraan in la
guddo sanadka 2030 (UNICEF, 2021).
Soomaaliland gudaheeda, Gudniinka Hablahu, weli waa mid aad u baahsan; 98% haweenka da’da
u dhaxaysa 15–49 ayaa la guday, 53% Hooyooyinkuna waxay aaminsan yihiin in dhaqanka la sii
wado (UNFPA, 2021).
