Contact Us
Maqaalka Saddex biloodka 2023 vol.2
The standard chunk of Lorem Ipsum used since the 1500s is reproduced below for those interested.

Hayadaha Maxalliga ah, Ururada Bulshada
iyo Xubnaha Dalladaha Danwadaag ee
Gobolada Marodijeex, Togdheer iyo
Sanaag, waxa ay baaq wada jir ah u
dirayaan dawladda iyo goleyaasha sharcidejinta inay si degdeg ah uga shaqeeyaan
ansixinta siyaasadaha iyo xeerarka la
xidhiidha Joojinta Tacaddiyada ka dhanka
Hablaha iyo Haweenka Somaliland, kuwaas
oo si guud u ilaalinaya xuquuqaha ay siisey
diinteena suuban iyo dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland
Siyaasadaha iyo Xeerarka Joojinta Gudniinka Hablaha waa qaar u baahan in golaha wasiiradda
iyo golayaasha sharci-dejintu ay ansixiyaan, sii loo joojiyo Caado-dhaqmeedkan oo khatarta ku
ah caafimaadka hooyada iyo hablaha.
Tacadiyaddan ka dhanka ah Caafimaadka Hablaha iyo haweenka ee ay sabab u yihin caadodhaqmeedkan muddo badan soo jiray; Sinnaba xaq uma aha in la jarjaro jidhka Hablaha iyada
oo aan sabab caafimaad iyo mid diin ah toona loo hayn.
Sidaa daraadeed, Hayadaha maxalliga ah oo ay weheliyaan Bulshada rayidka ah ee Gobolka
Sanaag waxay ugu baaqayaan dawladda Somaliland in ay ansixiyaan sida oo kale na ay fuliyaan
Siyaasadda iyo Xeerka Joojinta Gudniinka Hablaha.

images (1)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *