MAQAALKA SADDEX BILOODKA AH EE JOOJINTAGUDNIINKA HABLAHA
Goynta xubinta taranka dumarka/ Gudniinka Hablahu waa ku xadgudub xuquuqul insaan iyo sharci darro ay falaan bulshooyin badan oo caalamka ah. In kasta oo dadaallo badan la sameeyay si loo joojiyo gudniinka
hablaha, hadana ololeyaasha lidka ku ah Gudniinka Habluhu mar
walba ma guulaystaan. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee
arrintan ayaa ah in gabdhaha da'da yar aanay mararka qaarkood u fiirsan oo aanay ku
baraaruganayn ololahan sababtoo ah intooda badani waxay ku foogan yihiin arrimaha kale ee
khuseeya nolol maalmeedkooda sida waxbarshada iyo caawinta iyo u adeegida qoyskooda.
Goynta xubinta taranka dumarka ayaa ah dhaqan qalafsan oo had iyo jeer ka dhex dhaca
bulshada Somaliyeed gaar ahaan bulshada Somaliland. Sida ay xuseen warbixinada ku saabsan
gudniinka gandhuhu, noocyada gudniin ee bulshadeenu isticmaashaa waa nooca labaad iyo
nooca saddexaad ee loo yaqaano “Fircooni iyo Suni”. Hadaba, Si da’yartu u fahanto
dhibaatooyinka gudniinka iyo olalaha lagula dagaalamayo gudniinka gabdhahu dugsiyada iyo
kulliyadaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ardayda baraan oo manhajkooda waxbarsho lagu
baro aqoon ku saabsan dhibaatooyinka iyo cawaaqib xumada ka dhalata Gudniinka Hablaha si
ay u fahmaan xuquuqdooda, aqoonna ugu yeeshaan sida gudniinku u saameeyo jidh ahaan iyo
maskax ahaan

Hi, this is a comment.
To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
Commenter avatars come from Gravatar.